Saddex qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday Xarunta Islaamiga ah ee San Diego. Laba qof oo dhallinyaro ah oo laga shakisan inay weerarka geysteen ayaa meydkooda laga helay gaari yaalay meel u dhow masaajidka.

Laba nin oo hubeysan oo da’doodu u dhaxayso 17 iyo 18 ayaa Isniintii weerar toogasho ah ku qaaday Xarunta Islaamiga ah ee magaalada San Diego ee koonfurta California, iyagoo dilay saddex nin ka dibna isdileen.
Toogashada ayaa la baarayaa iyadoo la rumeysan yahay inuu ahaa weerar nacayb ah, iyadoo labada tuhmane ay booliisku sheegeen inay horey u sheegeen “hadallo muslim nacayb ah”.

Saddexda qof ee la dilay waxaa ka mid ahaa waaridiyihii masaajidka, oo booliisku ay sheegeen inuu sameeyey difaac “geesinimo” ah.

Taliyaha booliiska deegaanka Scott Wahl ayaa sheegay in labada qof ee toogashada geystay ay u dhinteen dhaawacyo rasaas ah oo u muuqday inay is-dileen, isla markaana aysan dhimashadooda ku lug lahayn laamaha amaanka
Xarunta Masaajidka waxaa sidoo kale ku yaal Dugsiga Al Rashid, kaas oo bixiya koorsooyin Carabi ah, iyo sidoo kale daraasaadka Islaamka iyo fasallada Qur’aanka ee ardayda da’doodu tahay shan ama ka weyn. Ardayda ku jirta iskuulka ayaa la sheegay inaysan waxba gaarin.

Duqa magaalada San Diego Todd Gloria ayaa cambaareeyay toogashadii ka dhacday masaajidka ugu weyn magaalada San Diego, isagoo ku tilmaamay “fal uu ku dheehan yahay muslim nacayb.”
Golaha Xiriirka Islaamka iyo Mareykanka (CAIR) ayaa cambaareeyey weerarkan lala beegsaday iskuulka iyo Masaajidka.



