Khabiirka garabka midig Charlie Kirk ayaa shalay ku dhintay hal xabbad oo ka dhacday xili uu ku sugnaa Jaamacadda Utah. Maamulka ayaa sheegay in ay hayaan muuqaalka ninka toogashada geystay.

Waxaa wali socda baadi goobka ninkii toogashada geystay oo dilay nin u dhaq dhaqaaqi jiray muxaafidka Charlie Kirk munaasabad ka dhacday jaamacad ku taal gobalka Utah.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin inay heleen qoriga loo adeegsaday toogashada.
FBI-da ayaa soo bandhigtay sawirada ‘qof ay baadi-goobayaan’.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarkan ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray ‘bidix xagjirka ah’, wuxuuna wacad ku maray inuu si rasmi ah u abaal marin doono Kirk billad-sharaftii ugu sareysay.
Saraakiisha FBI-da ee magaalada Salt Lake City ayaa soo bandhigay labo sawir oo qof xiran shaadh gacmo dheer oo madow ah, koofiyad iyo muraayadaha qoraxda oo ay ku sheegeen in uu ahaa “qofka loo tuhunsan yahay” dilkii loo geystay halgamaagii muxaafidka xagjirka garabka Middig Charlie Kirk.




