USA: Banaanbaxa iyo xiisada Los Angeles ee looga soo horjeedo musaafurinta oo sii socota

10 June, 2025

Ismariwaaga u dhexeeya maamulka California iyo xukuumada Trump ayaa cirka isku sii shareeray iyadoo 700 oo Marines ah iyo 2,000 oo askari oo kale oo Ilaalada Qaranka ah la geeyay Los Angeles.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa California geysay 700 askar Marines ah waxayna laba jibaartay ciidamada Ilaalada Qaranka si ay uga jawaabto mudaaharaadyada looga soo horjeedo ololaha Trump ee musaafurinta dadka aan sharciga heysan.

Gofernorka California Gavin Newsom ayaa dacweeyay maamulka Trump sababo la xiriira daabulidda Ciidamada Ilaalada Qaranka iyo Mariniska, isagoo sheegay in maamulka gobalkiisa aan lagala tashan.

Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in ciidamadaasi ay joogi doonaan Los Angeles muddo 60 maalmood ah.