USA: Ciidamada Hay’adaha federaalka ICE oo toogasho ku dilay qof kale, Minneapolis

24 January, 2026

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in qof kale lagu dilay magaalada Minneapolis xilli ay socdaan howlgallo lagu baadi goobayo dadka soo galootiga ah ee ku sugan magaalada.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Sabtidii, taliyaha booliiska Minneapolis Brian O’Hara ayaa sheegay in nin 37 jir ah, oo lagu magacaabo Alex Jeffrey Pretti, uu ku dhintay isbitaalka kadib markii uu la kulmay dhaawacyo badan oo rasaas ah.

Taliyaha ayaa u sheegay wariyeyaasha in ninku uu ahaa qof degan Minneapolis isla markaana haysta dhalashada Mareykanka.

Toogashadan ayaa timid toddobaadyo uun ka dib markii sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) uu gaarigeeda ku toogtay haweeney Minneapolis ku nool oo lagu magacaabo Renee Nicole Good horraantii bishan.

Toogashadan ayaa dhacday iyadoo toddobaadyo ay socdeen howlgallo ay sameeyeen hay’adaha socdaalka ee Mareykanka iyo wakiillo kale oo federaal ah oo ka dhacay Minneapolis, halkaas oo ay ka wadeen howlgallo qayb ka ah ololaha ka dhanka ah socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump.

Magaalada Minneapolis ayey sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen banaanbaxyo balaaran oo ay shacabka gobalka Minnesota uga soo horjeedaan duulaanka ka yimid dowlada Federaalka ee lagu bartilmaamsanayo dadka soogalootiga ah iyo waliba jaaliyaddaha dhulkaasi ku dhaqan oo ay ku jiraan Soomaalida.