Doorashada Mamdani ayaa jab weyn u ah xukuumada Trump, maalqabeenada xisbiga Dimuqaraadiga iyo taageerayaasha Israel oo si weyn uga soo horjeeday inuu soo baxo murashaxan muslimka ah.

Guusha Mamdani ee doorashada hordhaca ah ee Dimuqraadiga ee Magaalada New York waxay ka dhigan tahay in shacabka ay si weyn u taageersan yihiin isbedal doonka, ololaha Mamdani oo ahaa mid cajiib ah ayaa ka yaabsaday siyaasiyiinta Mareykanka.
Zohran Mamdani ayaa ku guuleystay in ka badan 43% cododka.
Tani ayaa muujineysa in guushan la xariirto siyaasadda Zohran Mamdani ee horumarsan, ayna ku dheehneyd aragti fog iyo isbedal doon firfircooni ka muuqato, wuxuuna si fudud uga guuleystay cunsuriyiinta muslim naceebka ka buuxay, murashaxiintii maal-qabeenada iyo taageerayaasha Israel oo horey ugu xooganaa magaalada New York.

Andrew Cuomo, gudoomiyihii hore ayaa markii hore u muuqday murashaxa ugu cadcad. Waxaana taageerayay shirkadaha waaweyn, iyo deeq-bixiyeyaasha bilyaneerada ah sida Michael Bloomberg iyo Bill Ackman.
Mamdani, oo ah 33 jir sharci-dejiye ah kana soo jeeda degmada Queens, ayaa waday olole xoogleh oo uu diirada ku saaray wax ka qabashada qiimaha-nololeed, guriyeynta, gaadiidka, daryeelka carruurta iyo horumarinta. Isku-dayo soo noqnoqday oo lagu doonayay in lagu ceebeeyo Mamdani iyo inuu yahay ” hantiwadaag Muslim ah ” oo leh fikrado xagjir ah, ama yahay murashax kasoo horjeeda Israa’iil, ayaa dhamaantood guuldarreystay.
Balse codbixintii dhacday habeenimadii xalay, waxa caddaatay in Murashaxa dhalinyarada Mamdani uu si fudud uga guuleystay murashaxiintii kale.

Hase yeeshee natiijadu waxay caddaynaysaa in saldhigga codbixintiisu aanu ku koobnayn oo kaliya dhallinyarada oo inta badan ku hawlanaa ololihiisa. Waxaa xusid mudan, Mamdani waxa uu ku guulaystay xaafado ay ka mid yihiin Bay Ridge, Bensonhurst, Dyker Heights, Sunset Park, iyo Brighton Beach – dhammaan aagaggaas oo ay ku xooganaayeen dadka horey ugu codeeyey dhanka midig ee doorashadii madaxweynaha ee 2024.
Doorashadan horudhaca ah ee xisbiga Dimuqaraadiga ee New York ayaa murashaxa kusoo baxa waxay u badan tahay inay go’aamiso cidda noqonaysa duqa magaalada doorashada guud ee bisha November.
Mamdani ayaa la filayaa inuu sidoo kale ku guuleysto doorashada guud ee November, uuna noqdo qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah oo qoyskiisa asal ahaan kasoo jeedo Hindiya uu hogaamiye ka noqda magaalada ugu weyn dalka Mareykanka.



