25 January, 2025
Dadkii ugu horeeyey oo laga tarxiilay dalka Mareykanka ayaa garaay dalalka Mexico iyo Guatemala.

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee masaafurinta ah oo sidda boqolaal muhaajiriin ah oo aan sharciyeysneyn oo laga soo tarxiilay Mareykanka ayaa la geeyey Guatemala iyo Mexico.
Diyaarado militari oo Mareykan ah oo siday daraasiin muhaajiriin ah oo la eryay ayaa gaaray Guatemala, mas’uuliyiinta ayaa sheegay Jimcihii, xilli madaxweyne Donald Trump uu u dhaqaaqay la dagaalanka socdaalka sharci darrada ah.
265 u dhashay Guatemala ayaa kamid ah dadka la tarxiilay.

Washington waxay sidoo kale Khamiistii u dirtay afar duullimaad oo masaafuris ah dalka Mexico.