USA: Hogaamiyayaasha Xisbiga Dimuqraadiga oo cambaareeyay weerarrada Trump ee uu ku hayo Soomaalida Minnesota

4 December, 2025

Madaxda Dimuqraadiyiinta ee Kongareeska Mareykanka – oo ay ku jiraan xubnaha ugu sarreeya ee ku jira guddiyada siyaasadda arrimaha dibadda ee Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka – ayaa soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan aflagaadada Trump ee ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa horraantii toddobaadkan bulshada Soomaalida iyo xildhibaanad Ilhaan Cumar ugu yeeray “qashin”.

Sharci-dejiyeyaashu waxay ku tilmaameen hadallada Trump “nacayb cunsurinimo ah oo aan la aqbali karin”.

“Halkii uu u isticmaali lahaa awoodda madaxweynenimada si uu dalkeenna isugu keeno, Madaxweyne Trump wuxuu doortay inuu weeraro bulsho muhaajiriin Mareykan ah, oo intooda badan ay yihiin kuwo sharciga u hoggaansama oo wax badan oo wanaagsan ka geystay Mareykanka,” ayay yiraahdeen Xildhibaanada Dimuquraadiga.