Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay waddooyinka ka baxsan dhismaha federaalka ee Minneapolis si ay u muujiyaan caradooda maalin ka dib markii sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) uu si xun u toogtay haweeney.

Magaalada Minneapolis ee Mareykanka ayaa heegan sare ku jirtay maanta oo Khamiis ah, maalin kadib markii sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) uu si xun u toogtay haweeney.
Ilaa 1,000 oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay meel baabuurta la dhigto oo u dhow Dhismaha Federaalka ee Bishop Henry Whipple ee Fort Snelling, halkaas oo ay ku yaallaan dhowr hay’adood oo federaal ah, oo ay ku jirto maxkamadda socdaalka.

Dadku waxay siteen calamo Mareykan ah iyo calaamado ugu baaqaya ICE inay ka baxaan gobalka Minnesota.
Dad banaanbaxaya ayaa ku qaylinayey hadalo ka dhan ah saraakiisha federaalka ee hubaysan oo wejiga qarsaday, kuwaas oo qaarkood ay u adeegsadeen gaaska ilmada dibadbaxayaasha.
Mudaaharaadyo ayaa sidoo kale ka dhacay magaalooyin kale oo Mareykanka ah, oo ay ku jiraan Magaalada New York, Seattle, Detroit, Washington, DC, Los Angeles, San Antonio, New Orleans, iyo Chicago.
Mas’uuliyiinta Minnesota iyo maamulka Trump ayaa si aad ah u kala duwan uga hadlay wixii dhacay Arbacadii, markii sarkaal aan la garanayn oo ka tirsan ICE uu toogtay haweeney 37 jir ah oo u dhalatay Mareykanka oo lagu magacaabo Renee Nicole Good, oo ahayd hooyo saddex carruur ah leh.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, oo ah Dimuqraadi ah, ayaa ugu baaqay ciidamada ICE ee Trump keenay Minnesota inay halkaasi isaga baxaan.
Sidoo kale Guddoomiyaha Minnesota Tim Waltz ayaa sheegay in uu heegan geliyey ciidamada illaalada Qaranka ee Minnesota, isagoo si weyn u cambaareeyey dilka ay geysteen askarta ICE.
Toogashada ayaa dhacday iyadoo hay’ada amniga guddaha (DHS) ay howlgal ka bilowday Minneapolis iyadoo halkaa la geeyey 2,000 saraakiil federaal ah oo qayb ka ah ololaha maamulka Trump ee lagu ugaarsanayo dadka sharciga aan heysan iyo soogalootiga.
Khamiistii, madaxa hay’adda baarista gobolka Minnesota ayaa sheegay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka uu hay’adda DHS ka mamnuucay inay ka qayb qaadataan baaritaanka toogashada dhimashada leh, oo ay hoggaamin doonto “kaliya” Xafiiska Baarista Federaalka (FBI).



