Labo ka mid ah shaqaalaha safaaradda Israa’iil ee Mareykanka ayaa toogasho lagu dilay weerar ka dhacay bannaanka madxafka Yuhuudda ee caasimadda Mareykanka.

Toogashadan ayaa dhacday abbaare 9-kii fiidnimo ee xalay meel u dhow Matxafka Yuhuudda ee magaalada Washington, DC, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa magacyadooda ku sheegtay Yaron Lischinsky iyo Sarah Lynn Milgrim.
Pamela A Smith, oo ah madaxa waaxda booliska magaalada, ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta ay xireen hal tuhmane toogashadan, oo lagu magacaabo Elias Rodriguez oo 30 jir ah kana soo jeeda Chicago, Illinois.
“Kahor toogashada, tuhmanaha waxaa la arkay isaga oo u sii socda matxafka, waxa uu u dhawaaday koox afar qof ah, wuxuuna ku furay rasaas,” ayaa lagu yiri shir jaraa’id ee laamaha amniga.
Waxaa la sheegay in Rodriguez uu ku dhawaaqayay, “Falastiin hala xoreeyo,” intii uu xabsiga ku jiray.
Duqa magaalada Washington, DC Muriel Bowser ayaa u sheegtay wariyeyaasha in maamulkeedu uusan u dulqaadan doonin “rabshad ama falalka salka ku haya nacaybka”.