USA: Labo caruur ah oo lagu dilay weerar nin hubeysan ku qaaday Iskuulka Katooliga ee Minneapolis

27 August, 2025

Labo caruur ah oo da’doodu kala tahay 8 jir iyo 10 jir ayaa ku dhintay 17 qofna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay arday wax ka baranaysay dugsi Kaatooligga ah oo ku yaalla dalka Maraykanka, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Taliyaha booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay weerarkii subaxnimadii Arbacada ay 14 kamid ah yihiin caruur halka labo kalena ay xaaladoodu liidato.

Maamulka ayaan weli ogaan sababta ka dambeysay weerarka, waxaana ay sheegeen in ninka la tuhunsan yahay – oo ku hubeysnaa qori iyo bastoolad – uu isdilay.

Booliiska ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu da’diisu ahayd 20-sano.

Tobaneeyo xabbadood ayaa la riday intii uu weerarka socday, iyadoo ninka hubeysan oo ku labisanaa dhar madow uu soo istaagay bannaanka iskuulka oo uu ka toogtay daaqadaha xilli ay carruurta iskuullada fariisteen.