USA: Maamulka Minnesota oo dacwad ku soo oogtay xukuumada Trump sababo la xiriira raafka shacabka

13 January, 2026

Tallaabada sharciga ah ayaa timid kadib dilkii haweeney 37 jir ah oo uu toogtay sarkaal ka tirsan federaalka oo ku sugan Minneapolis toddobaadkii hore.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison ayaa sheegay in ficillada dowladda federaalku “ay khal khal geliyeen amniga gobalka.”

Gobollada Mareykanka ee Minnesota iyo Illinois ayaa Isniintii dacwado ku soo oogay maamulka Madaxweyne Donald Trump kadib markii haweeney uu si xun u toogtay wakiil federaal ah oo ku sugan Minneapolis toddobaadkii hore.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison oo ku dhawaaqay tallaabada sharciga ah, ayaa sheegay in kororka saraakiisha Hay’adda Amniga Gudaha ee Socdaalka iyo Fulinta Kastamka (ICE) ee ku sugan gobolka waqooyi maalmihii la soo dhaafay “ay khal khal ku keeneen amniga gobalka.”

Ellison ayaa shir jaraa’id ku sheegay in “kumanaan askarta ICE oo aan si fiican u tababarnayn oo hubaysan, ay bartimaamsanayaan bulshooyinkeenna ku dhaqan gobalkaasi.”

“Hawlgelinta kumanaan askarta DHS/ICE oo hubaysan, oo weji qarsaday oo loosoo diray Minnesota waxay waxyeello weyn u geysateen gobolkeenna. Tani, asal ahaan, waa duullaan ka yimid xukuumada federaalka oo lagu qaaday Magaalooyinka Mataanaha ah iyo gobalka Minnesota waana inay joogsadaa,” ayuu yiri Ellison.

Wuxuu intaas ku daray in gobalka Minnesota oo ay maamulaan Dimuqraadiga loo bartilmaameedsanayo “arrimo siyaasadeeda iyo kala duwanaanshaha ra’yigooda ku aadan dhanka dawladda federaalka” isagoo sheegay inay tahay “xadgudub Dastuurka iyo sharciga federaalka.”