Ninkii lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu dilo Madaxweyne Donald Trump xafladii Saxaafadda Aqalka Cad bishii hore ayaa diiday inuu qirto inuu wax dambi ah galay dhammaan dacwadaha lagu soo oogay.

Cole Allen, oo 31 jir ah, kana soo jeeda California, kama uusan hadlin maxkamadda oo maanta la horkeenay, iyadoo qareenadiisa soo diyaariyeen qoraalka diidmada kiiska iyo dacwadaha lagu soo oogay. Dacwadaha waxaa kamid ah isku-day-dil madaxweynaha, weerar loo geystay sarkaal federaal ah iyo dambiyo la xariira hubka uu sitay.
Dacwad oogayaashu waxay sheegeen in Allen uu qori ku weeraray sarkaal ka tirsan illaalada Madaxtooyada Mareykanka isla markaana uu weeraray bar kontorool oo amniga lagu baaro ee hotelkii xaflada ka dhaceysay, weerarkaasi oo ay sheegeen in lagu qaaday Trump iyo xubno kale oo maamulkiisa ka tirsan oo ku sugnaa xaflada ay wariyaasha Aqalka Cad soo agaasimeen.
Allen ayaa la sheegay inuu tareen ku yimid magaalada Washington, isagoo wata qori, bastoolad iyo mindi, wuxuuna qol ka kiraystay hotelka Hilton, halkaas oo xaflada cashada lagu qabtay 25kii Abriil.
Marka laga soo tago isku dayga dilka, Allen waxaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah inuu ku weeraray hub sarkaal federaal ah iyo laba dacwadood oo kale oo la xariira hubka sharci darada ah. Wuxuu wajahayaa xukun xabsi daa’in ah haddii lagu helo dambiga isku dayga dilka oo keliya.
Dacwad oogayaasha ayaa lagu wadaa inay ka jawaabaan dooda qareenada difaaca ugu dambeyn 22-ka Maajo.



