Gregory Bovino ayaa laga qaaday xilka “taliyihii guud ee Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ee Mareykanka” waxaana loo magacaabay xilkiisii hore ee California, iyadoo oo la filayo inuu dhawaan shaqada ka fariisto.

Xil-ka-qaadista ayaa timid kadib markii ay sii kordheen carada dadweynaha ee ka dhalatay toogashadii lagu dilay kalkaaliye caafimaad oo 37 jir ah oo lagu magacaabo Alex Pretti, taasoo ah dhacdadii labaad ee dhimashada leh ee geystaan saraakiisha socdaalka federaalka ee hawlgalada ka wada magaalada Minneapolis bishan.

Dhinaca kale, Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in qaar kamid ah hay’adaha fulinta socdaalka federaalka ay bilaabi doonaan inay ka baxaan magaalada maanta oo Talaada ah.
Wuxuu la hadlay Madaxweyne Donald Trump, isagoo ka codsaday inuu soo afjaro hawlgalka loo yaqaan Operation Metro Surge.
Sida uu sheegay duqa magaalada, Trump wuxuu ogolaaday in xaaladda hadda jirta “aysan sii socon karin.”
“Wakiilada federaalka qaarkood waxay bilaabi doonaan inay ka baxaan aaggan berri, aniguna waan sii wadi doonaa inaan ka shaqeeyo in inta kale ee ku lug leh hawlgalkan ay ka baxaan magaalada,” Frey ayaa ku qoray baraha bulshada.



