Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio uu aadi doono dalka Qatar,kadib markii uu la kulmay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Booqashadan lagu dhawaaqay Isniintii ayaa ku soo beegantay iyadoo gobolka weli laga dareemayo xiisada ka dhalatay duqeymihii ay Israa’iil la beegsatay hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan caasimadda Qatar ee Dooxa.
Mareykanka ayaa isku dayay inuu qaboojiyo xiisada u dhaxeysa Israa’iil iyo Qatar oo kamid ah xulafadooda.
Netanyahu iyo Rubio ayaa maanta ku kulmay magaalada Qudus (Jerusalem).
Mareykanka oo sheegay inuusan ku lug lahayn weerarkii Israa’iil ee Dooxa, ayaa dhanka kale doonaya inuu Qatar ku booriyo dajinta Xiisada ka dhalatay weerarkii todobaadkii hore.
Maanta oo Salaasa ah ayuu shir uga furmay magaalada Dooxa, dalalka Carabta iyo Islaamka oo doonaya inay jawaab ka bixiyaan duqeyntii Israa’iil ee dalka Qatar.




