Ugu yaraan shan qof, oo ay ku jiraan sarkaal ka tirsan Waaxda Booliska New York (NYPD) iyo ninka geystay weerarka, ayaa dhintay ka dib markii toogasho ka dhacday gudaha xafiiska Midtown Manhattan oo ay ku yaaliin hay’ado maaliyadeed oo waaweyn iyo xarunta dhexe ee National Football League (NFL), sida ay booliisku sheegeen.

Toogashada oo dhacday Isniintii gelinkii danbe, goobta 345 Park Avenue ee Midtown Manhattan, ayaa wali ku socda “baaritaan”, Taliyaha Bilayska Magaalada New York Jessica Tisch ayaa u sheegtay wariyeyaasha shir jaraa’id.
“Muqaalka kaamirada amniga ayaa muujinaya qofka toogashada geystay oo soo galay qolka fadhiga, u leexday midig oo isla markiiba rasaas ku furay sarkaal NYPD,” ayay tidhi.
Ninkan ayaa intaa kadib waxa uu bilaabay inuu toogasho ku dilay laba qof oo ay ku jireen haweenay iyo askari ka tirsan ciidamada amaanka, kahor inta aanu u soo dhaqaaqin dabaqa 33-aad, halkaasi oo uu ku toogtay nin kale, Tisch ayaa sheegay in qof kale oo dhibane ah lagu daweynayo cisbitaalka.

“Qofka toogashada geystay waxaa la rumeysan yahay inuu yahay Shane Tamura, oo ah nin 27-jir ah oo deganaa magaalada Las Vegas,” ayey tiri Tisch.
“Ujeedadiisa weli baaritaan ayaa ku socda,” ayay raacisay.
Dhibanayaasha waxaa ku jiray sarkaal ka tirsan booliiska NYPD Didarul Islam, oo 36 jir ahaa.
Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa isagoo ka hadlayay shirka jaraa’id, ayaa sheegay in sarkaalka dhintay Islam uu ahaa uu asal ahaan kasoo jeedo Bangladesh, kaasoo ku dhintay isagoo “naf badbaadinaya” iyo “ilaalinta shacabka New York”.

Sawirka tuhmanaha oo CNN ay sheegtay in ay la wadaageen booliisku uuna muujinayo nin hubeysan oo gudaha u galaya dhismaha isagoo qori sita.
Daarta weerarka ka dhacay ee 345 Park Avenue ayaa xarun u ah dhowr shirkadood oo waaweyn, oo ay ku jiraan Blackstone, KPMG, Deutsche Bank iyo xarunta dhexe ee NFL. Waxay ku taal meel u dhow Xarunta Rockefeller, ee u dhaw Central Park.



