USA: “Waa in si degdeg ah loo xaliyo ismari waaga doorashada”

Published: February 8, 2021

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada iyo dhamaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

War qoraal ah oo kasoo baxay safaarada ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu hadda wax ka qabto khilaafka doorashada si loo xalliyo jahwareerka siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in heshiis lala galo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada.

“Waa in Si deg deg ah loo xaliyo ismari waaga doorashada maadaama ay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya. Waa masuuliyada iyo waajibka saaran madaxda qaranka iyo kuwa gobolka inay meel iska dhigaan raadinta danaha siyaasadeed taa badalkeedana ay ku shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed oo iyagu ka mudan kan ugu fiican madaxdooda.”

Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *