USA: Weerar ka dhacay gobalka Montana oo lagu dilay 4 qof

2 August, 2025

Waxaa socda baadi goobka askari hore oo Mareykan ah oo looga shakisan yahay in uu toogasho ka geystay baar ku yaalla gobolka Montana ee dalka Mareykanka, kaasoo ay ku dhinteen afar qof.

Toogashada ayaa dhacday shalay gelinkii danbe, weerarka ayaa ka dhacay baar lagu magacaabo “The Owl Bar” oo ku yaalla magaalada Anaconda ee gobalka Montana, iyadoo afar qof lagu dilay goobta, sida ay sheegtay Waaxda Dembi-baadhista ee Montana.

Eedeysanaha ayaa lagu sheegay inuu yahay 45-jir ka tirsanaa Milliteriga Mareykanka waxaana lagu magacaabaa Michael Paul Brown.

Mr.Brown wuxuu deris la ahaa baarka uu weeraray, sida laga soo xigtay mulkiilaha baarka, Mr.David Gwerder.

Gwerder, oo aan meesha joogin markii uu shilku dhacay, ayaa sheegay in nin shaqaale ah iyo saddex qof oo macalimiin ah lagu dilay weerarkan, kahor inta uusan eedeysanaha goobta ka cararin.

Maamulka ayaa sheegay in Brown markii ugu dambeysay lagu arkay deegaanka Stump Town, oo dhanka galbeed ka xigta magaalada weerarka ka dhacay ee Anaconda, waxaana la rumeysan yahay inuu hubeysan yahay.