USA: Xildhibaanad Ilhan Omar oo ka badbaaday weerar xili ay waday olole ka dhan ah ciidamada ICE

28 January, 2026

Xildhibaanada Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa nin weeraray ku buufiyay walax aan la garanayn, xilli ay la kulmeysay shacabka iyadoo ku baaqaysay in la baabi’iyo hay’adda Socdaalka iyo Fulinta Kastamka (ICE), kulankaas oo ka dhacay hoolka shirarka ee Minneapolis.

Ilhan Cumar wax dhaawac ah kama soo gaarin weerarkii Talaadadii, mas’uuliyiintuna waxay sheegeen in qofka weerarka geystay lagu magacaabo Anthony J. Kazmierczak oo ah 55 sano jir – waana la xiray. Waxaa ku socda baaritaan, weli lama shaacin macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dareeraha lagu buufiyay Xildhibaanadda.

Saraakiisha amniga ayaa si degdeg ah u qabtay ninka weerarka geystay.

Xildhibaanadda oo si adag uga hadashay weerarka ciidamada ICE ay ka wadaan gobalka laga soo doorto ee Minnesota ayaa sheegtay; “Hay’ada ICE lama hagaajin karo. Waa inaan baabi’innaa gebi ahaanba. Xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha Kristi Noem waa inay is casishaa ama xilka laga xayuubiyaa,” ayey tiri Ilhan ilbiriqsiyo ka hor weerarka.

Ilhaan Cumar oo khudbadeeda horey usii wadatay ayaa sheegtay in weerarada noocaan ah aan lagu cabsi gelin karin.

Muddo sanado ah waxaa jiray hanjabaadyo iyo iskudayo la doonayo in lagu weeraro Ilhan Cumar oo noqotay xildhibaanadii ugu horeysay oo xijaaban dalkaasi Mareykanka, waxaana marar badan weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha xilka haya Donald Trump.