Vancouver: Gaari jiiray dad ku sugnaa goob xaflad ka socotay

27 April, 2025

Booliska ayaa sheegay inay baarayaan dhacdo “khasaare ballaaran” keentay ka dib markii darawal uu dhexda u galay dad isugu soo baxay xaflad ka dhaceysay waddo ku taal Vancouver, Canada.

Booliiska ayaa eegaya “dhacdo khasaare badan” ka dhashay ka dib markii nin darawal ah uu gaari jiirsiiyey dad u dabaaldegayay xaflad ka dhaceysay waddo ku taal magaalada Vancouver, galbeedka Canada, oo ay ku dhinteen “tiro dad ah” Sabtidii.

Booliska ayaan weli xaqiijin tirada dadka dhintay ama ku dhaawacmay, balse shir jaraa’id oo ay qabteen ayaa lagu sheegay in darawelka oo ah 30 jir lagu xiray goobta.

Taliyaha bilayska ku meel gaadhka ah ee Vancouver Steve Rai ayaa ka gaabsaday inuu bixiyo xog dheeraad ah ee khasaaraha, isagoo sheegay, in qaraabada dhibbanayaasha aan wali lala xidhiidhin.

Booliska Vancouver ayaa sheegay in shilkan uu dhacay wax yar ka dib 8-dii fiidnimo. waqtiga maxaliga ah nawaaxiga u dhow East 41st Avenue iyo wadada Fraser Street, ee Koonfurta Vancouver.

Idaacadda 1130 ee Vancouver NewsRadio ayaa soo xigatay goob-joogayaal iyagoo sheegay inay arkeen in ka badan 20 qof oo dhaawac ah.