Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay qorshe uu ku doonayo inuu la wareegyo inta u dhaxaysa 30 ilaa 50 milyan oo fuusto ah ee saliida dalka Venezuela, uuna doonayo inuu iibiyo, isla markaana uu maamulo lacagtaas.

“Saliiddan waxaa lagu iibin doonaa qiimaha suuqa, lacagtaasna waxaa maamuli doona aniga, anigoo ah madaxweynaha Mareykanka, si aan u hubiyo in loo isticmaalo faa’iidada dadka Venezuela iyo Mareykanka!” ayuu Trump ku qoray qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Madaxweynaha Venezuela Delcy Rodriguez ayaa Talaadadii sheegtay in aysan jirin awood shisheeye oo maamusha dalkeeda.
“Dowladda Venezuela ayaa mas’uul ka ah dalkeenna, mana jirto cid kale. Ma jiro wakiil shisheeye oo xukuma Venezuela”, ayay ku tiri khudbad ay telefishinka ka jeedisay.
Waxay raacisay: “Shaqsi ahaan, kuwa i handadaya … masiirkeyaga iyaga kama go’aamin karaan, laakiin Illaahay uun baa go’aamin kara.”
Ku-simaha hoggaamiyaha cusub ee Venezuela Delcy Rodriguez ayaa ku dhawaaqday toddobaad baroordiiq ah oo loo sameynayo askartii lagu dilay weerarkii Mareykanka ee lagu qabtay Nicolas Maduro iyo xaaskiisa.



