Wasiirka difaaca ee Venezuela Vladimir Padrino López ayaa wacad ku maray in uusan is dhiibin iyadoo ay jiraan duqeymihii Mareykanka iyo qabashadii Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa.

Vladimir Padrino Lopez, wasiirka difaaca ee Venezuela, ayaa sheegay in waddanku “uu guuleysan doono … aysan gorgortan geli doonin … aysan quusan doonin”.
Qodobbada Muhiimka ah:
- Wuxuu cambaareynayaa gardarrada militariga Mareykanka uu ku hayo goobaha rayidka.
- Wuxuu ballanqaaday in ciidamada qalabka sida ee Venezuela ay iska caabbin doonaan ciidamada shisheeye.
- Wuxuu weerarrada ku tilmaamay kuwo fulaynimo ah; dowladoodana aysan oggolaan doonin cadaadiska.

Dowladda Venezuela ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu weeraray xarumo rayid iyo militari oo ku yaal dhowr gobol, iyadoo ay diiday “gardarrada milatari” ee Washington.
Dowlada Venezuela ayaa ku dhawaaqdey xaalad qaran oo degdeg ah guud ahaan dalkaasi.
Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa iskugu soo baxay Waddooyinka waaweyn ee Caasimada Dalkaasi ee Caracas, iyagoo cambaareeyay qabashada madaxweyne Nicolás Maduro, waxayna ku dhawaaqayeen “keena Maduro!” Iyo ereyo kale.

Weerarradan ayaa yimid kadib bilo xiisad ah oo kala dhaxaysay Mareykanka oo Maduro ku eedeeyay inuu ku lug lahaa ka ganacsiga daroogada. Mareykanka ayaa in ka badan 20 weerar cirka ah ka geystay badda u dhow Venezuela tan iyo bishii Sebtembar. Maduro wuu beeniyay eedeymaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu “si xooggan ugu lug yeelan doono” warshadaha saliidda ee Venezuela kadib markii la qabtay Madaxweyne Nicolas Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores.
Trump wuxuu sheegay in Maduro iyo xaaskiisa hada lagu hayo markabka dagaalka ee USS Iwo Jima.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Maduro iyo Xaaskiisa la geyn doono xabsiga magaalada New York. Waxaana la filayaa in Mareykanka uu Maduro ku maxkamadeeyo New York, halkaasi oo horey u taalay dacwad la xariirta eedaymaha Mareykanka kusoo oogay Madaxweyne Venezuela ee ka ganacsiga daroogada.



