Villa Somalia oo shaacisay in waxka-beddelka dastuurka lagala tashtay siyaasiyiinta mucaaradka.

10 March, 2026

Madaxtooyada Somalia ayaa shaacisay in dhammeystirka iyo ansixinta wax-ka-beddellada Dastuurka Soomaaliya ay tahay guul qaran oo…

Madaxtooyada Somalia ayaa shaacisay in dhammeystirka iyo ansixinta wax-ka-beddellada Dastuurka Soomaaliya ay tahay guul qaran oo taariikhi ah, laguna soo afmeerayo baahi muddo ka taagnayd Somalia.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali, ayaa maqaal lagu daabacay Aljazeera ku sheegay in tallaabadan ay ka mid tahay ballanqaadyadii ugu waaweynaa ee siyaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, dalkuna yeeshay dastuur dhammaystiran.

Qormada ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991 ku jirtay marxalad adag oo dib-u-dhis dowladeed ah. Inkastoo sanadkii 2012 la ansixiyay dastuur ku-meel-gaar ah, haddana muddo ka badan 14 sano ayuu u baahnaa dib-u-eegis iyo dhammeystir baaxad leh.

Waxa uu maqaalka ku caddeeyey in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka uu ku saleysnaa wada-tashiyo siyaasadeed iyo bulsho oo ballaaran, isla markaana guddiga dib-u-eegista dastuurka ay tixgeliyeen talooyin badan oo ay soo jeediyeen siyaasiyiin uu kamid yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.