29 January, 2022
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta goobjoog ka noqday munaasabadda…

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xasan Cabdalle Xasan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Wasiir ku xigeenka cusub oo uu dhaariyay Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed, alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay in uu sida ugu wanaagsan u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.