Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa ku guuleystay abaalmarinta garsooraha kubadda cagta ee sanadka 2025 ugu wanaagsan…

Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa ku guuleystay abaalmarinta garsooraha kubadda cagta ee sanadka 2025 ugu wanaagsan qaaradda Afrika, sida uu shaaciyey xiriirka kubadda cagta Qaaradda Afrika (CAF).
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW Xamse Cabdi Barre oo bogaadiyey guusha Cumar ayaa sheegay inuu astaan u yahay kartida, hal’adaygga, iyo xirfadda mihnadeed ee ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.
Garsoore Cumar wuxuu 1992 ku dhacay magaalada Muqdisho, isagoo xirfadiisa ka soo bilaabay horyaalka Soomaaliya ka hor inta uusan gaarin heer caalami, isagoo noqday garsoore heer FIFA ah sanadkii 2018.




