Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tegay Adis Ababa, waxaana uu saxiixay war murtiyeed nuxurkiisu yahay adkeynta xiriirka labada dal.
Kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya uu ke tegay Adis Ababa, martiqaad uu ka helay Abiy Axmed ayaa labada dhinac soo wada saareen war-murtiyeed nuxurkiisu yahay in la adkeeyo oo la soo celiyo xiriirkii labada dal, dibna loo hagaajiyo diblomaasiyadda, kadib sanad kharaar oo soo dhe maray.
War murtiyeedka ayaa loo dhigey sidan:
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, inta lagu guda jiray booqashadiisa shaqo ee Itoobiya, labada hoggaamiye waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka ee danaha wadaagga ah, waxayna yeesheen wadahadallo wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya shacabka labada dal.
Waxay isku raaceen inay dib u soo celiyaan oo horumariyaan xiriirka labada dhinac iyada oo loo marayo wakiillo diblomaasiyadeed oo ka howlgala caasimadaha labada dal. Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in safaaradahooda diblomaasiyadeed iska kaashadaan arrimaha danaha wadaagga ah.
Hoggaamiyeyaashu waxayisku raceen in xasilloonida gobolka ay u baahan tahay iskaashi adag oo ku salaysan kalsooni, ixtiraam iyo faham wadajir ah. Waxay isku raaceen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan isku dubaridka dadaallada lagu wanaajinayo xiriirka gobolka, kor u qaadidda is-fahamka iyo horumarka wadajirka ah.
Sidoo kale waxay diiradda saareen muhiimadda sii wadidda iyo xoojinta iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal. Iyagoo hoosta ka xariiqay khatarta ba’an ee sii kordheysa ee ay kooxaha xagjirka ah ku hayaan gobolka, hoggaamiyeyaashu waxay isku raaceen inay hay’adahooda amniga farayaan inay xoojiyaan iskaashiga si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale, ganacsi, iyo maalgashi ee u dhexeeya labada dal. Waxay isku raaceen in la ballaariyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha si loo fududeeyo ganacsiga iyo horumarinta wadajirka ah iyada oo loo marayo iskaashi dhaqaale oo xooggan.
Ugu dambayntii, waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta “Baaqa Ankara”, iyo ruuxda saaxiibtinnimo iyo midnimo ee ku dhiirrigelinaya hirgelnta baaqaas. Waxay sidoo kale isku raaceen in la dardargeliyo wadaxaajoodyada farsamo ee la qorsheeyay ee ku xusan Baaqa Ankara.
Waxaa lagu saxiixay Addis Ababa, Itoobiya.