Waa maxay xanuunka laga qaado isticmaalka faraha badan ee Internetka?

27 January, 2025

Qofka uu ku dhaco xanuunka maskax qurmisku waxaa aad hoos isu dhinta awoodiisa ama kartidiisa si nafsiyan iyo maskixiyan ah.

Sanadkasta waxaa la qiimeeyaa erayada loogu isticmaalbadnaa sanadkaas marka la joogo dunida dhijitaalka ah madbacadda caanka ah ee Oxford University Press ee soo saartey qaamuuska caanka ah ee Oxford Dictionary ayaa ka mid ah hay’adaha sameeya qiimeynta ereyada loogu isticmaal badnaa.

Qaamuuska Oxford ayaa erayga (brain rot) oo turjumaadiisu af-soomaali noqoneyso maskax qurmis, ama maskax dhaawac u doortay eraygii loogu isticmaalid badnaa sanadkii tagay ee 2024:ka.

Eraygan ayaa helay codkii ugu badnaa markii ay madbacada Oxford sameysay tirakoob ay ka qeybqaateen dad tiradoodu gaareyso 37 000 oo qof. Eraygaas oo noqday erayga ay ugu isticmaal badan yihiin bulshada ku xiriirta internetka (Online community). Erayadii kale ee la tartamay erayga brain rot waxaa kamid ahaa demure, dynamic pricing, lore, romantasy iyo slop.

Eraygan brain rot ama maskax qurmis ayaa micnihiisu loola jeedaa isticmaalka badan ee internetka iyo inuu qofka waqti badan daawado shaashadaha iyo aaladaha kale duwan sida teleefoonka, kompuyuuterka iyo dhalada ama telefishinka. Aaladaha kale duwan sida TikTok, kuwa xiriirka bulshada iyo ciyaaraha video games:ka loo yaqaano ee dhalinyaradu ciyaarto ayaa waxaa dhici karta inuu qofka waqti dheer wax aan macno lahayn daawado oo uu hadano iska joojin waayo isticmaalka balwadaas waqtiga faraha badan uu ku lumiyo.

Qofka uu ku dhaco xanuunka maskax qurmisku waxaa aad hoos isu dhinta awoodiisa ama kartidiisa si nafsiyan iyo maskixiyan ah. Taasoo ay sababeyso isticmaalka iyo daawashada badan ee waxyaalaha macno darrada ah oo ay maskaxdu ku daaleyso.

Dhibaatooyinka isticmaalka badan ee teleefoonada casriga ah u leeyahay caruurta

Isticmaalka badan ee teleefanada casriga ah (Smartphones) ayaa dhibaatooyin badan ku haya qaybaha kale duwan ee bulshada hadey ahaan lahayd caruurta, da’yarta iyo da’weyntaba. Dhibaatooyinka uu teleefanka gacanta u leeyahay caruurta iyo da’yarta waxaa aad looga hadal hayaa iskuulada, iyadoo uu caqabad ku noqday waxbarashada ardayda maadaama arday badan ay ku adag tahay in ay isticmaalka teleefanka joojiyaan 45:ka daqiiqo ee xiisada socota, markii laga qaadona aysan sal dhulka dhigi karin oo ay ul wareerayaan inta yar uu ka maqan yahay teleefanka gacantooda.

Isticmaalka badan ee teleefanada casriga caruurta waxey ka qaadaan caafimaad daro kala duwan oo ay kamid yihiin hurdo la’aan, jimicsi la’aan, cunto xumo iyo deganaasho la’aan oo ay ku adkaato inay si dagan oo itijaah leh wax uqabtaan mudo gaaban.

Guud ahaan isticmaalka badan ee telefanada casriga iyo aalahadaha kale ee la halmaala waxey dhibaato u keenayaan koriinka, caafimaadka iyo barbaarinta caruurta waxaana waalidiinta lagula taliyaa inay la socdaan oo xadadaan waqtiga ay caruurtooda isticmaalaan teleefanada casriga ah, loona cayimo inay maalintii isticmaalaan 2-3 saac ugu badnaan.

Sidee xanuunka maskax qurmis u saameeyay bulshada soomaaliyeed!

Bulshada soomaaliyeed waxaa dhibaato weyn ku haya isticmaalka baraha bulshada sida Facebook,TikTok iyo YouTube:ka, iyadoo halkaas ay waqti badan ku lumiyaan dib u dhac weynna ku riday xaga waxbarashada, xaga caafimaadka, xaga shaqada, xaga cibaadada iyo xaga dhaqanka.

Dal joog iyo Qurbo joog waxaa aad noo sameeyay faafitaanka xanuunka maskax qurmiska, waayo waxey inta badan bulshadeena ku xiran tahay baraha bulshada sida TikTok iyo YouTube iyagoo ka dhegeysta warar badan oo marin habaabin ah oo bulshada lagu kale qeybinaayo taasoo dhib u keeneysa midnimada iyo wadajirka umadeed.

Dhibaatooyinka xanuunka maskax qurmiska waxaa looga hortagi karaa in isbedel lagu sameeyo qaabka aan u isticmaalno internetka iyo isgaarsiinta casriga ah, waxaana muhiim ah in dadka aqoonta leh ay wacyigelin ka sameeyaan dhibaatooyinka laga qaado internetka iyo isgaarsiinta casriga ah una bedelaan in fursadaha isgaarsiinta casriga loo isticmaalo dhanka wanaagsan oo bulshada loo sameeyo barnaamijyo kor loogu qaadayo aqoontooda guud, tarbiyada & barashada diinta wadaniyada iyo horumarinta arimaha bulshada.

by Hanad Abdullaahi