Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta…

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta ka qeybgalay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socota degmada Waajid ee gobolka Bakool iyadoo maamulka Koonfur Galbeed aysan si rasmi uga bilaaman diwaangelinta codbixiayaasha.
Wasiirka oo shalay halkaas gaaray ayaa ka mid noqday dadkii isdiiwaangeliyay isagoo sheegay in doorashadii dadbaneyd ee dalka ka dhici jirtay laga gudbay, isla markaana la galay marxalad cusub oo shacabka ay si toos ah u dooranayaan hoggaankooda.
“Doorashadii dadbaneyd ee Dalka ka dhici jirtay waxaa looga gudbay qof iyo cod, waana in shacabku soo doortaan cidda mataleysa,” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir oo shacabka Waajid ugu baaqay inay si buuxda uga qeyb qaataan diiwaangelinta.
Dadweynaha ku dhaqan degmada Waajid ayaa safaf dhaadheer ugu galay goobaha diiwaangelinta, Waxaana ay shalay halkaas wada gaaray xubno ka socda guddiga doorashada iyo wafdiga dowladda uu wasiirka hogaaminayey.
Waxa uu dhaliilay siyaasiyiinta diidan doorashada qof iyo cod isagoo sheegay in taas ay tahay mid ay uga soo horjeedaan in shacabka ay doortaan dadka metela, Dhinaca kale ma jirto deegaan kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo ay la socoto diwaangelinta.



