Waakuma ninka loo xiray weerarkii lagu qaaday kulankii cashada Trump & Warbaahinta aqalka cad.

26 April, 2026

Booliska Mareykanka ayaa xiray nin looga shakisan yahay inuu hubeysnaa oo weeraray hoolka shirarka kulanka cashada…

Booliska Mareykanka ayaa xiray nin looga shakisan yahay inuu hubeysnaa oo weeraray hoolka shirarka kulanka cashada Ururka Wariyeyaasha Aqalka Cad (WHCA), oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, hoteel ku yaal Washington, DC.

Rasaastu waxay keentay in Trump, iyo xubnaha golihiisa wasiirada, laga daadgureeyo xafladda warbaahinta, oo lagu qabtay Washington Hilton fiidnimadii Sabtida, waxaana Madaxweynuhu markii dambe dhacdada ugu yeeray weerar uu kaga guulaystey qofkii dili lahaa.

Ciidamada amniga ayaa rasaas ku furay ninka la tuhunsan yahay ka dib markii uu si xoog ah uga gudbay bar kontorool oo ku taal bannaanka qolka shirarka ee hoteelka, halkaas oo ay isugu yimaadeen madaxweynaha, Marwada Koowaad Melania Trump, mas’uuliyiin sare iyo boqolaal marti ah.

Ninka, oo lagu magacaabo Cole Tomas Allen oo 31 jir ah sida ay ku warrameen warbaahinta Mareykanka, ayaa lagu xiray goob gaar ah, inkastoo aan weli si rasmi ah loo bixin macluumaad dheeraad ah.

Saraakiisha hay’adaha fulinta sharciga, oo aan shaacin magaca tuhmanaha, ayaa sheegaya inuu ku nool yahay Torrance, California, oo ah magaalo xeebeed ku taal gobolka South Bay oo u dhow Los Angeles kuna ku teedsan xeebta Santa Monica.