Mas’uuliyiintii ka socdey dalka Mareykanka ayaa ka tegey Pakistan, ka dib markii ay natiijo la’aan noqdeen…

Mas’uuliyiintii ka socdey dalka Mareykanka ayaa ka tegey Pakistan, ka dib markii ay natiijo la’aan noqdeen wada-hadallado 21 saacadood u socday Mareykanka & Iiraan oo xal loogu raadinayey dagaalada Bariga Dhexe.
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance wuxuu war-saxaafadeed kooban ku sheegey in Iiraan aqbali weydey soo jeedintooda, inkastoo weftiga Tehran sheegeen inaysan burburin wada-xaajoodyada labada dhinac.
Wasaaradda Arrimaha-dibedda Iiraan ayaa sheegtey in ay weli diyaar u tahay wada-hadal, uuna furan yahay albaabka diblumaasiyadda ka dib markii ay burbureen wada-hadalladii Islamabaad.
Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku adkaysatay go’aannadeeda ah inay iyadu maamuleyso marinka Hormuz aysanna faragelin ka oggolayn barnaamijkeeda Nukliyeer, taas oo ka socon weydey weftiga Mareykanka.
Wada-hadallada burburey waxay ahaayeen kuwii ugu dheeraa oo socday 21 saac, kuwii ugu horreeyey ee dhexmara madax-sare oo Kacaanka Iiraan & Mareykan, tan & 1979-kii.



