Donald Trump ayaa madaxweyne ku xigeenkiisa JD Vance u xilsaaray inuu hogaamiyo wadahadallada heerka sare ah ee uu la leeyahay Iiraan ee ka dhacaya Islamabad.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa ku sii jeeda dalka Pakistan si uu wadahadallo heer sare ah ula yeesho Iiraan.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance oo maanta u duulay magaalada Islamabad si uu wadahadallo ulla yeesho wakiillada Iiraan ee ku sugan Pakistan, isagoo u sheegay wariyeyaasha inuu rajeynayo natiijo “wanaagsan” laakiin wuxuu uga digay Iran inaysan isku dayin inay “caqabad” hordhigto wafdiga Mareykanka.
Iiraan waxay sheegtay in Lubnaan ay qayb ka noqoto xabad joojinta, laakiin Israa’iil iyo Mareykanka way isku khilaafsan yihiin.
Israa’iil iyo Xisbullah ayaa sii wada weerarrada ay is dhaafsanayaan, inkastoo Mareykanka iyo Iiraan ay ku heshiiyeen xabad joojin aan cago adag ku taagneyn oo socon doonta laba todobaad.
Washington ayaa la sheegay inay martigelinayso wadahadallada Israa’iil iyo Lubnaan toddobaadka soo socda.
Xaaladda bani’aadamnimada ee Lubnaan ayaa si weyn uga sii dartay, sida uu sheegay madaxweynaha Laanqeyrta Cas ee Jarmalka, Hermann Gröhe, Jimcihii.
Jimcihii, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sidoo kale ka digtay in nidaamka caafimaadka ee Lubnaan uu marayo meel aan la saadaalin karin sababo la xiriira weerarrada Israa’iil.
Tan iyo markii uu dagaalku billowday, 13 isbitaal oo ku yaal Lubnaan ayaa waxyeello soo gaartay, lix kalena waa la xiray, sida ay hay’addu sheegtay.



