Wadahadallada Ruushka iyo Ukraine oo ka furmay Istanbul

16 May, 2025

Wadahadalo nabadeed oo toos ah oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa dhacaya iyada oo ay metalayaan wufuud hoose.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay si fool ka fool ah u kulmaan wakiilo ka socda Ruushka iyo Ukraine tan iyo sanadkii 2022.

Rajada laga qabo in guul laga gaaro wada-xaajoodka nabadeed ayaa aad u hooseysa, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay Khamiistii in wax horumar ah laga gaari doonin arrintan ilaa ay kulmaan isaga iyo madaxweynaha Ruushka Valdimir Putin.

Ilo-wareed ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyay in kulankii u socday Ruushka iyo Ukraine ee ka dhacay Istanbul, kaasoo billowday subaxnimadii jimcaha, uu dhammaaday 90 daqiiqo kaddib.

Ilo-diblomaasiyadeed oo Ukraine ka tirsan oo ka qaybgalaya wada-hadallada Istanbul ayaa sheegay in dhinaca Ruushka ay dalbadeen in Ukraine ay ka tanaasusho dhul ay weli gacanta ku hayso Kyiv.

Waxay ku eedeeyeen Ruushka inay la yimaadeen “dalabyo aan la aqbali karin” taas oo qayb ka ah istaraatiijiyada Kremlin-ka ee lagu carqaladeynayo dadaallada nabadda.

Moscow ayaa ka dalbatay Kyiv inay ciidamadeeda kala baxdo gobollada koonfurta iyo bariga ee Ruushku haysto ee Zaporizhzhia, Kherson, Donetsk iyo Luhansk. Ruushku wuxuu ku andacoodey inuu ku daray dhammaan gobolladaas dhulkooda Sebtembar, 2022.

Inkastoo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu todobaadkii hore soo jeediyay wadahadallada Turkiga, haddana ma uusan ka qaybgalin kulamadii Istanbul.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku booriyay xulafada reer galbeedka ee dalkiisa inay muujiyaan “falcelin adag” oo ka dhan ah Moscow haddii wadahadalada nabada ee Istanbul ka dhacaya jimcaha aysan dhalin wax horumar ah oo la taaban karo.