Wafdi heer sare ah oo ka socda Iran ayaa gaaray dalka Qatar si loo dhameystiro qodobada ugu xasaasisan ee heshiis ay la galaan Mareykanka.

Wafdiga Wadahadalka ugu sarreeya ee Iiraan Mohammad Bagher Ghalibaf, Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Abdolnaser Hemmati ayaa gaaray Qatar si ay uga wada hadlaan “arrimaha ugu xasaasisan ee aan la xallin” si ay heshiis is-afgarad ula gaaraan Mareykanka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Esmaeil Baghaei ayaa sheegay in horumar laga sameeyay wadahadallada Mareykanka iyo Pakistan ee ku saabsan “qayb weyn oo ka mid ah mowduucyada laga wada hadlayo” laakiin macnaheedu maaha in “saxiixa heshiis uu soo dhow yahay”.
Joogitaanka wafdiga Iiraan ee Qatar si ay uga wada hadlaan shuruudaha heshiis is-afgarad oo suurtagal ah oo ay la galaan Mareykanka waa “calaamad wanaagsan”, laakiin arrimaha weli la isku hayo ee caqabadaha ka taagan tahay ayaa waxaa kamid ah, marin biyoodka Hormuz iyo qaadista xayiraada iyo cunaqabateynta saaran Iran.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale ku jira wafdigan, taasoo oo muujineysa in ay jirto wadahadalo sidii loo qaadi lahaa cunaqabateynta, taas oo ah baahida ugu weyn ee dadka Iiraan.



