Madaxweynaha Jubaland ayaa Kismaayo ku qaabilay wafdi ka socday Koongareeska Maraykanka, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Xildhibaan Ronny Jackson, kana koobnaa 11 xubnood oo ka tirsan Koongareeska Maraykanka, ayaa 29-kii Luulyo 2026 booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Jubaland iyo Dowladda Maraykanka, iyadoo mudnaanta la siiyay la-dagaallanka argagixisada, taageerada dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo arrimo kale oo la xiriira xasilloonida iyo horumarka deegaannada Jubaland.
Wafdiga Maraykanka, oo ay qayb ka ahaayeen Ku-simaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Justin Davis iyo masuuliyiin kale, ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada socda ee lagula dagaallamayo argagixisada Alshabaab. Waxay si gaar ah u xuseen hawlgalladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Ammaanka Jubaland, Kumaandooska Danab ee ka hawlgala Jubaland iyo AFRICOM, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimaha argagixisada.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jubaland ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada ay muddada dheer u fidinaysay Jubaland, isaga oo xusay in iskaashiga labada dhinac uu door muhiim ah ka qaato xoojinta amniga.
Horseed Media




