Wafdi ka socda Puntland oo kulan la qaatay guurtida degmada Galdogob.

30 April, 2026

Mas’uuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa kulan la yeeshay…

Mas’uuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa kulan la yeeshay cuqaasha iyo odayaasha dhaqanka degmada Galdogob ee gobolka Mudug & deegaamada hoos yimaaada.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira xoojinta nabadgelyada, iskaashiga Dawladda iyo bulshada deegaanka iyo dardargelinta howlaha horumarineed ee ka socda Degmada iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Odayaasha iyo guurtida reer Galdogob ayaa waftiga dowladda u soo bandhigay baahiyaha kajira deegaanka, caqabadaha u baahan xalka waara iyagoo dowladda ka codsaday inay si dhaqso ah wax uga qabato.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ku booriyey waxgaradka iyo guud ahaan bulshada deegaamadaasi inay ilaaliyaan nabadda iyo wadajirka, waxayna balanqaadeen inay baahiyaha deegaanka gaarsiin doonaan hay’addaha dowladda ee leh abaarta waxka qabashadooda.