Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland ayaa safar shaqo ku tagey degmada Bandar-Bayla ee gobolka Karkaar.

Saraakiisha Wasaaradda Kalluumaysiga, waxaa socdaalka ku wehliyey xubno ka socda hay’addaha caalamiga ah sida WFP iyo NRC.
Ujeedka safarka wafdiga ayaa ahaa inay u kuur-galaan mashaariicda kallumeysiga ee ka socda degmada iyo sidii bulshada loogu dhiirigelin lahaa wax-soo-saarka iyo suuqgeynta Kalluumaysiga.


Wafdiga ayaa kormeer ku tagey warshadda kalluunka degmada Bayla ee CAFCO, iyagoo soo kormeeray kaydadka Kalluunka iyo xarumaha kale ee warshadda.
Ugu dambayn, wafdigu waxay kulan la qaateen oo warbixino ka dhageysteen Guddoomiyaha degmada Bandar-Bayla Cabdirashiid Daacad iyo xildhibaanada golaha deegaanka.




Horseed Media