Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afgaanistaan oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha la haysashada.

Maalintii Khamiista, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taliban ee Afgaanistaan, Amir Khan Muttaqi, ayaa kula kulmay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, saraakiil Mareykan ah oo uu ku jiro ergeyga gaarka ah ee arrimaha la haystayaasha, Adam Boehler, sida uu sheegay xafiiskiisa.
Waa booqashadii ugu horeysay ee wafdi Mareykan ah ay ku tagaan Kabul muddo ku dhow 3 sano.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Afgaanistaan ayaa ku sheegtay barta “X”, “in kulanka looga hadlay xiriirka laba geesoodka ah, sii deynta maxaabiista, iyo adeegyada qunsuliyada ee Afgaanistaan ee Mareykanka, isagoo xusay in ergeygii hore ee Afgaanistaan, Zalmay Khalilzad, uu sidoo kale ka qaybgalay kulanka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP.
Adam Boehler, waxa uu ku tilmaamay horumarka laga gaadhay arrinta maxaabiista ee u dhaxaysa Afgaanistaan iyo Maraykanka inay tahay tallaabo wax ku ool ah oo lagu dhisayo kalsoonida, wuxuuna sheegay in inkasta oo xidhiidhka Afgaanistaan iyo Maraykanku uu ahaa mid adag marxaladaha qaar, haddana ay muhiim tahay in mustaqbalka la eego.
Ergey Boehler ayaa bogaadiyay dadaallada lagula dagaalamayo maandooriyaha iyo sare u qaadista ammaanka Afgaanistaan.
Dhankiisa, Wasiir Amir Khan Muttaqi wuxuu sheegay in Taliban ay doonayso inay xiriir wanaagsan la sameyso dhammaan dhinacyada, marka loo eego siyaasaddeeda arrimaha dibadda oo dheellitiran.
Waxa uu intaa ku daray, “Waa muhiim in Afgaanistaan iyo Maraykanku ay arrimaha ku xalliyaan wadahadal.”
Horseed Media