Wafti ka socda dalka Jarmalka oo kormeer ku tegey deegaamo katirsan Garoowe.

Xildhibaano katirsan golaha deegaanka Degmada Garoowe oo ay weheliyaan Mas’uuliyiin ka socda ururada taageera arrimaha bulshada…

27 November, 2025

Xildhibaano katirsan golaha deegaanka Degmada Garoowe oo ay weheliyaan Mas’uuliyiin ka socda ururada taageera arrimaha bulshada dalka Jarmalka iyo Dr Abu-shacar oo caan ka ah deegaamada Puntland ayaa kormeer ku tegey deegaamada Xamur iyo Caana-yaskax ee degmada Garoowe.

Socdaalkaan ayaa salka ku hayey u kuurgelidda baahiyaha deegaanka iyo mashaariic uu kamid yahay dugsiga hoose dhex ee deegaanka Caana-yaskax oo ay horay dhismihiisa qayb uga qaateen xubnaha ka socda dalka Jarmalka.

Bulshada deegaamadaasi ayaa waftiga la wadaagey baahiyahooda oo u badnaa saamaynta abaarta ku dhuftay guud ahaan Soomaaliya, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga u ah noloshooda.