Wafti ka socda dowladda Turkiga oo Puntland kala hadlaya Markabka Sea World.

4 August, 2025

Mas’uuliyiinta safaaradda dowladda Turkiga ee Somalia iyo saraakiil ciidan ayaa gaarey Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka…

Mas’uuliyiinta safaaradda dowladda Turkiga ee Somalia iyo saraakiil ciidan ayaa gaarey Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, oo muddo dhawr asbuuc ah ay Puntland ku hayso markabka shixnadaha hubka ah iyo gaadiidka dagaalka sida ee Sea World.

Waxaa lafilaaya inay Madaxtooyada Boosaaso shir ku saabsan xaaladda markabka Sea World kula yeeshaan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dhawaanahan ku sugan magaalada Boosaaso.

Markabka Sea World oo muddo baaritaan ku socdey ayaa ka soo shiraacday dekedda magaalada Izmir ee dalka Turkiga, waxaana uu ku sii jeeday Muqdisho kahor inta aan lagu qaban xeebaha gobolka Raas-casayr ee Puntland.

Puntlan dayaa xaqiijisay in Ganacsato Reer Muqdisho ah iyo Safiirka Turkiga oo la soo xiriiray ay u sheegteen lahaanshaha shixnadaha Hubka ah ee saaran Markabka, taasi oo abuurtay shaki ku saabsan cidda sax ahaan u leh hantidaasi.