Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Maxamed Maxamuud Ciise oo hormuud u ah mas’uuliyiinta…

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Maxamed Maxamuud Ciise oo hormuud u ah mas’uuliyiinta labada gole ee dowladda ku matala Gobolka Mudug, ayaa Garoowe kulan kula qaatay wafti ka kooban isimada dhaqanka,Guddiga Hormarinta Deg Gaalkacayo iyo ganacsatada Gobolka Mudug, kuwaas oo howlo shaqo u jooga caasimadda Puntland.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐁𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐫 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐞, waxaana sidoo kale ka mid ahaa ganacsato ka yimid waddamada Bariga Afrika iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda Gobolka Mudug.
Muddadii uu socdey kulanku ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada-shaqeynta, dhiirrigelinta horumarka iyo wadatashiga ku aaddan danaha guud ee shacabka Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug.
Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka hadlay madasha ayaa sheegay inay dowladda iyo guddiga horumarinta kala shaqayn doonaan dhammaan ajandayaasha iyo qorshayaasha wax looga qabanayo baahiyaha iyo caqabadaha ka taagan gobolka Mudug.



