Wafti ka socda Jabuuti oo lagu soo dhaweeyey Laascaanood.

16 January, 2026

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Somalia Cabdulqaadir Axmed Awcali ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyey…

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Somalia Cabdulqaadir Axmed Awcali ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyey wafti heer sare ah oo ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Muumin Xasan Barre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti Mud. Ridwaan Xirsi Bahdoon, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya dalkeenna Soomaaliya Danjire Maxamed Rashiid.

Waftigaan ayaa ka qaybgeli doona caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, xilli ay maanta Laascaanood gaareen madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia.