Wafti ka socda Midowga Yurub oo Madaxda Puntland kala hadlay doorashooyinka Somalia.

19 January, 2026

Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo danjiraha Midowga reer Yurub ee Somalia Francesca Di Mauro, ayaa maanta…

Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo danjiraha Midowga reer Yurub ee Somalia Francesca Di Mauro, ayaa maanta gaarey Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro oo ay weheliyaan safiirrada Denmark & Norway iyo diblumaasiyiin ka socota Sweden & Switzerland ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ugu sarraysa dowladda Puntland.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlaya xaaladaha-siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli la sugayo qabsoomidda shirka Mucaaridka & Madaxda dowladda federalka ah eee Soomaaliy oo ka wada hadlaya arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dedaal dheeri ah ku bixinaya sidii looga hortegi lahaa qorshaha golaha Mustaqbalka Somalia oo Kismaayo kaga dhawaaqay qabashada doorasho u gaar ah haddii aan xal laga gaarin arrimaha doorashooyinka kahor bisha May ee sanadkaan.