Wafti ka socda golayaasha kala duwan ee Puntland ayaa gaarey degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag,…

Wafti ka socda golayaasha kala duwan ee Puntland ayaa gaarey degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag, xilli ay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan ka socdaan gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Waftigaan ayaa kulamo la qaatay Suldaanka guud ee goboladaasi Suldaan Siciid Cabdisalaan, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo sidii loo baajin lahaa isku dhacyo ciidan oo ka dhasha abaabulka Ceelbuh.

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo dhawaan ka soo laabtay Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe DFS ciidamo uga qorayey gobolka Sanaag, isagoo abaabulaya shir looga arrinsanayo ku biirista SSC KHATUMO oo lagu qabanayo degmada Ceelbuh.
Abwaanka ayaa u ololaynaya in gobolada Sanaag iyo Haylaan ay ku biiraan maamulka SSC KHATUMO isla markaana ay qayb ka noqdaan dhismaha maamulkaasi oo ay gacanta ku hayso DFS.
