Wafti ka socda Puntland oo kormeeray Tuurmasaale ilaa Sheebaab.

11 June, 2025

Wafti ka Kakooban Golleyaasha Dowladda Puntland oo kormeer indha indheyn ah ku tagay Deegaanada Laga saaray…

Wafti ka Kakooban Golleyaasha Dowladda Puntland oo kormeer indha indheyn ah ku tagay Deegaanada Laga saaray Argagixisada Daacish ee Tuurmasaale ilaa Sheebaab.

Mas’uuliyiintaan waxaa kamid ahaa wasiirka amniga Dowladda Puntland Ibraahiim Ismaciil Cartan (Xaaji Bakiin) Xildhibaan Faarax Jamac oo ka tirsan GWDPL iyo Gudoomiyaha Degmada Qandala Axmed Khuurshe ayaa kormeer indha indheyn iyo u kuurgelida xaaladda Amni iyo Baahiyaha ka jira deegaanada laga saaray Argagixisada Daacish ku maray Deegaanada u dhexeeya Tuurmasaale ilaa sheebaab.

Wafdigan ayaana la kulmay Bulshada ku dhaqan deegaanadaasi iyagoona ku dhiiri-geliyay in ay garab istaaga lana shaqeyaan Ciidanka Geesiyaasha ee ku jira Howlgalka ciribtirka argagixisada.