Mas’uuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somalia & xiriirka kubadda cagta dalka ayaa garoonka Aadan Cadde ee…

Mas’uuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somalia & xiriirka kubadda cagta dalka ayaa garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafti ka socda xiriirka kubadda cagta Africa ee CAF iyo kan adduunka ee FIFA.
Waftigaan waxaa kamid ah xidiggii caanka ahaa ee Samuel Eto’o, oo hore u ahaa xiddigii kooxda Barcelona isla markaana hadda ah madaxa Xiriirka Kubadda Cagta ee Cameroon, Jay-Jay Okocha, oo halyeey u ah xulka Qaranka Nigeria, iyo Emmanuel Adebayor oo horay u ahaa weeraryahanka xulka Qaranka Togo.
Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa ah in la horumariyo kubadda cagta Soomaaliya, iyo sidoo kale in la qiimeeyo xaaladda amniga ee dalka, xilli la qorshaynayo in kulamada guriga ee xulka Somalia lagu dheelo Magaalada Muqdisho.



