Madaxtooyada Somalia ayaa dib u abaabulaysa wafuud hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhawaan…

Madaxtooyada Somalia ayaa dib u abaabulaysa wafuud hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhawaan lagu wado inuu gaaro Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah u maamulka Jubbaland.
Waftigaan oo ka kooban lataliyayaal iyo saraakiil ciidanka ayaa usii gogol xaaraya safarka Madaxweynaha Somalia ee Kismaayo, xilli ay Villa Somalia siweyn u xiisaynayso inay qorshe cusub ku wajahdo maamulka Jubbaland iyo Axmed Madoobe.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo dib u eegista dastuurka.
Ilo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa HM u xaqiijiyey in dowladda federaalka ay qorsheyneyso in ay dib uga laabato qaar ka mid ah go’aamadii hore ee ay ka qaadatay Jubbaland, si loo abuuro jawi wadatashi iyo xasilooni siyaasadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulankooda ku soo qaadi doonaan arrimo siyaasadeed oo muddooyinkii dambe xiisad ka dhalisay xiriirka labada dhinac.



