Wafti uu hoggaaminayo guddoomiye Tima-cadde ayaa gaarey Laascaanood.

11 April, 2025

Waftigii 3aad oo hordhac u ah socdaalka Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi…

Waftigii 3aad oo hordhac u ah socdaalka Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC KHATUMO.

Wafuuddaan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku-xiegenka 2aad ee aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin katirsan maamulka SSC.

Qaar kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Somalia ee gaarey Magaalada Laascaanood ayaa balanqaaday in DFS ay SSC u aqoonsan doonto maamul rasmi ah oo katirsan Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lafilayaa inuu gaaro magaalada Laascaanood isagoo kulamo la qaadan doona madaxda iyo qaybaha kala duwan ee maamulka SSC KHATUMO.