Kadib safar muddo saddex cisho ah qaatay oo uu Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre ku…

Kadib safar muddo saddex cisho ah qaatay oo uu Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre ku joogey magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC KHATUMO, waxaa la qorshaynayaa inuu maanta dib ugu laabto magaalada Muqdisho.
Waftiga RW Xukuumadda Somalia iyo hoggaanka maamulka SSC KHATUMO ayaana war-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen ku shaaciyey in SSC KHATUMO loo aqoonsaday maamul goboleed rasmi ah ayna ka qaybgeli doonto shirka madasha wadatashiga Qaran ee dalka.
“DFS waxay u aqoonstaay SSCKHAATUMO, Dawlad gobaleed laguna dhameystiro Shirweynaha iyo heshiiska bulsho, In SSCKHAATUMO xubin buuxda ka noqoto Golaha madasha wadatashiga Qaranka NCC-da” Warmurtiyeedka wadajirka ah ee DFS Iyo SSCKHAATUMO.

