Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC KHATUMO waxaa maanta soodhaweyn ballaaran loogu sameeyey wafti uu hoggaaminayo…

Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC KHATUMO waxaa maanta soodhaweyn ballaaran loogu sameeyey wafti uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Waftigaan oo maalmo kahor loo diidey inay ku shiraan deegaanka Ceelbuh ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay inay wax ka dhistaan maamulka SSC KHATUMO oo ay galkiisa gacanta ku hayso xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya.
Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Sool oo soodhaweynta qayb ka ahaa ayaa sheegay in waftigaani ay matalayaan bulshada gobolka Sanaag isla amrkaana gobolkaasi kamid yahay maamulka SSC KHATUMO.
Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in 10-ka Julay ay degmada Laascaanood ku qabanayso shirweyne lagu dhammaystirayo dhismaha maamul goboleedka SSC KHATUMO, sida lagu xusay warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh.



