Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan ku yeeshay…

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan ku yeeshay qasriga madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara.
Kulankaan muhiimka ah ayaa waxaa ka qayb galay wasiirka difaaca ee dowladda Turkiga Yaşar Güler iyo Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka, İbrahim Kalın, iyadoo diiradda lagu saarayey xaaladda ammaan ee Somalia iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabaddiidka ah.
Dhanka kalena, wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ka qaybgalay magaca wakiilada Soomaaliya, ee qaybta ka ah waftiga madaxweynaha Somalia.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisa Turkiga ku sifeeyey mid uu taageero ugu raadinayo dagaalka ay dowladdiisu kula jirto kooxda Alshabaab ee ku sugan Koonfurta iyo bartamaha Somalia.



