Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowladda Maraykanka ee…

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku yimid Jubaland.
Kulanka oo ay Madaxweynaha ku wehliyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah, ayaa si qoto dheer looga wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga, taageerada Dowladda Maraykanka ee mashaariicda horumarineed ee deegaamadaasi.
Dhanka kalena, kulanka ayaa layskula soo qaaday xaaladda guud ee siyaasadda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka lagu muransan yahay iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyada soo socda la qorshaynayo inay Magaalada Kismaayo ku kulmaan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, madasha Mucaaradka, xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka Somalia iyo siyaasiyiin doonaya inay ka arrinsadaan xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.
Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia ayaa weli ku adkaysanaya in dalku aadey doorasho qof iyo cod ah aanna lagu laaban doonin teendhadii Afisyoone, halka dhinacyada ka aragti duwan qabaan inasayn xilligaan suurtagal ahayn doorasho dadweyne loona baahan yahay hanaan laysku waafaqsan yahay inta uusan dhammaan muddo xileedka dastuuriga ah ee hay’adaha dalka.



